Home » Horyaalada » italian Serie A » Inter Oo Diyaar U Ah Inay Bad Baadiso Mustaqbalka Xidiga Arsenal Booska U Diiday Joel Campbell

Inter Oo Diyaar U Ah Inay Bad Baadiso Mustaqbalka Xidiga Arsenal Booska U Diiday Joel Campbell


Campbell

Wargeska Daily Star ayaa sheegay in kooxda Inter Milan ay bisha Janaayo heshiis la gaari doonto weeraryahanka dhalinta yar Joel Campbell kaasi oo boos joogto ah ka weesan kooxdiisa Arsenal.

Weeraryahanka reer Costa Rica dhawaan ayuu ka dhawaajiyay inuu ka niyad jabay joogitaanka Waqooyiga London marba hadii macalin Arsene Wenger uu siin waayay fursad uu garoonka ku galo xili cayaareedkan.

Inter Milan ayaa xidigan u balan qaaday boos joogto ah sidoo kalena mushaar ka wanaagsan midka uu haatan Arsenal ka qaato ayay siin doontaa waxaa intaas usii dheer inay Inter dhigeeda Arsenal ku wareejin doonto 10-milyan oo pound waana qiimaha xidigan lagu iibsan karo.

22-jirkan kaliya 37-daqiiqo ayuu xili cayaareedkan Premiership-ka England kasoo muuqday waxaana xusid mudan in xagaagii aan dhawaan kasoo gudubnay inuu wacdaro ka dhigay koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Brazil sidaa darteed Inter Milan ayaa aaminsan inay tayada laacibkan awooda badan ka faa’iideesan karto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>