Boqorka London Harry Kane ayaa soo afjaray awooda ay xidigaha Diego Costa iyo Sergio Aguero ku heysteen horyaalka Ingiriiska madama uu la wareegay gooldhalinta horyaalka Ingiriiska.
Harry Kane ayaa dhaliyay sadexley kulankii ay sabtidii Spurs 4-2 ku dhaaftay Leicester City, wuxuuna hal gool ka saramaray Asal Brazilka qaatay dhalashada Spain ee Diego Costa.
Sergio Aguero kuma guuleysan inuu gool dhaliyo kulankii ay Manchester City guusha ka gaartay West Brom, balse Diego Costa wuxuu fursad heystaa kulanka ay kooxdiisa caawa la ciyaari doonto Hull City.
HADABA SIDEE LOO KALA HOREEYAA: