David De Gea ayaa mudan in lagu soo bilaabo xulka Spain ka hor Iker Casillas sida ay u codeeyeen akhristayaasha Shabakadda caalamiga ah ee Goal.com.
Goolhayaha Real Madrid Iker Casillas ayaa haatan ah goolhayaha koowaad ee xulka inkastoo lagu eedeeyo badi dhibaatooyinka guuldaro ee soo gaara xulka, inkastoo aan la xaqiri karin inuu qeyb ku lahaa ku guuleysigii Euro 2008 & Euro 2012 iyo sidoo kale ku guuleysigii Koobka Aduunka 2010.
Si Kastaba 60.1% oo u dhiganta iney u codeeyeen (5,699) ayaa aaminsan in De Gea uu ka mudan yahay Casillas, iyadoo 16.9% oo u dhiganta iney u codeeyeen (1,600) ay Del Bosque u sheegeen inuu u dulqaato Casillas.
Sidoo kale waxaa jira tiro kale oo gaareysa 11.4% oo u dhiganta iney u codeeyeen (1,082) ay dalbadeen in xulka uu mudan yahay Diego Lopez in looga dhigo goolhayaha koowaad.
Goolhayahii hore Barcelona Victor Valdes kaas oo haatan suuqa ku jooga si xor ah ayaan helin wax cod ah iyadoo Kiko Casilla uu helay 1.5% waxaana meesha ka marneyn goolhayaha Bayern Munich Pepe Reina oo isna helay 2.3%.