Home » Europe » Champions League » Isku Aadka Wareega 16-aad Ee Tartanka UEFA Youth League Oo Kulamo Adag Kasoo Baxeyn

Isku Aadka Wareega 16-aad Ee Tartanka UEFA Youth League Oo Kulamo Adag Kasoo Baxeyn


Youth league

Inkastoo lagu wada mashquulsan yahay koobka horyaalada Yurub iyo Europa League hadana waxaa si habsami ku dheehan qaarada Yurub uga socdo tartanka UEFA Youth League oo ay ku tartamaan xidigo dhalin yar oo ay da’dooda ka hooseyso 19-sano.

Hadaba tartankan waa sanadkii labaad oo la qabanaayo waxaana haatan isugu soo hareyn 16-naadi oo awood badan, waxaana xusid mudan in nimaadka tartankan loo qabto uu yahay in 32-naadi ee bilawga Champion-ka ka qayb qaadanaayo kooxahooda 19-jirada loo ogol yahay inay ka qayb qaataan.

Tusaale ahaan dalka England 4-naadi ayaa Champion-ka sanadkan uga qayb qaateen: Liverpool, Chelsea, Arsenal iyo Man City sidoo kalena tartanka UEFA Youth League isagana isla 4-naadi xidigahooda 19-sano da’dooda ka hooseyso ayaa England tartankan u matalayeen.

Naadiga Barcelona oo ah kooxda difaacaneyso tartankan xiisaha badan ayaa lagu aadiyay kooxda Anderlecht ee ka dhisan dalka Belgium. Hadaba hoos kaga bogo isku aadka wareega 16-aad UEFA Youth League iyo sida ay kooxaha isugu aadeen wareegan:

1. SL Benfica (POR) v Liverpool FC (ENG)
2. AFC Ajax (NED) v AS Roma (ITA)
3. Club Atlético de Madrid (ESP) v Arsenal FC (ENG)
4. Real Madrid CF (ESP) v FC Porto (POR)
5. FC Shakhtar Donetsk (UKR) v Olympiacos FC (GRE)
6. SC Anderlecht (BEL) v FC Barcelona (ESP, holders)
7. Manchester City FC (ENG) v FC Schalke 04 (GER)
8. Chelsea FC v (ENG) v FC Zenit (RUS)

F.G: Kulamadan ayaa hal kulan ayaa lagu kala bixi taasi oo ka dhigan in lug ay kooxaha wada cayaari doonaan waxaana wareega 8-aad u gudbi doonaan kooxaha guuleestaan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>