Neymar xili cayaareedkii dhawaa wuxuu dhigay wacdaro aan horey loo arag sidoo kalena kooxdiisa Barcelona sedex koob oo taariikhi ah ayuu kula guuleestay waxaana intaas usii dheer inuu goolal badan dhaliyay.
Balse xili cayaareedkii kowaad 2013/14 xidigan xaalka ayaa ku xumaa madaama uu qaarada Yurub ku cusbaa sidoo kalena ay dhaawacyo hareeyeen hormarkiisa cayaareed.
Hadaba isku bar bar dhig ayaa lagu sameeyay xidigan labadii waxqabad ee uu la kala yimid xili cayaareedkii hore (2013/14) iyo xili cayareedkii dhawaa (2014/15):
Xili cayaareedkii 2013/14 xidigan wuxuu dhaliyay 15-gool
Xili cayaareedkii dhawaa 2014/15 2 wuxuu dhaliyay 39-gool
La Ligaha xili cayaareedkii hore wuxuu ka dhaliyay 9-gool halka xili cayaareedkan uu ka dhaliyay 22-gool.
Champion-ka xili cayaareedkii hore wuxuu ka dhaliyay 4-gool halka xili cayareedkan uu dhaliyay 10-gool
Copa del Rey xili cayaareedkii hore wuxuu ka dhaliyay 1-gool halka xili cayareedkan uu dhaliyay 7-gool
Super Copa Spain xili cayaareedkii dhawaa kooxdiisa ma cayaarin balse xili cayaareedkii hore 1-gool ayuu ka dhaliyay.
Guud ahaan kulamada uu saftay labadii xili cayaareed ee ugu dambeesay:
Xili cayaareedkii hore wuxuu saftay 36-kulan wuxuu guuleestay 25-kulan waxaa laga guuleestay 6-kulan halka 5-kulan uu bar bar dhac galay asigoo Barcelona u safan.
Xili cayaareedkii dhawaa wuxuu saftay 51-kulan wuxuu guuleestay 42-kulan, waxaa laga guuleestay 6-kulan sidoo kalena 3-kulan bar bar dhac ayuu galay.
Sidaa muuqato Neymar xili cayareedkii dhawaa ayuu sameeyay hormar aad u sareeyo dhan walbo hadaba la arki doonee xili cayaareedka xiga inuu bandhigiisa sare usii qaadi doono iyo inuu hoos u dhac la imaan doono.