Home » Latin America » Italy Iyo Germany Oo Hal Lug La Galay Koobka Adduunka Iyo Dhammaan Kulamadii La Cayaaray

Italy Iyo Germany Oo Hal Lug La Galay Koobka Adduunka Iyo Dhammaan Kulamadii La Cayaaray

ft-germany-3-0-austria

Germany ayaa ku dhawaaneysa inay si toos ah ugu soo baxdo Koobka Adduunka ka dib markii ay 3-0 direen xulka kaalinta labaad kaga jira group C ee Austria.

Germany ayaana 19 dhibcood ku heysa hogaanka Group C iyagoo 8 dhibcood ka sareeya xulka ay garaaceen ee Austria, waxaana ay qarka u saaran yihiin inay si toos ah ugu soo baxaan Koobka Adduunka ee ka dhacaya Brazil sannadka soo socda.

Guusha ay gaartay Germany waxaa ka caawiyay gool uu qeybtii hore dhaliyay Miroslav Klose, kaasoo goolkaas ku barbareeyay rikoorkii gooldhalinta Gerd Muller ee xulka qaranka Jarmalka.

Waxaana qeybtii labaad natiijada seddex dhibcood u xaqiijiyay Germany Toni Kroos kaasoo dhaliyay kubad gantaal aheyd oo uu ka tuuray meel 30 mitir goolka u jirta, waxaana uu ahaa goolkiisii 5aad uu xulka qaranka u dhaliyo.

Waxaana ciyaarta hurdo u diray dhamaadkii ciyaarta Thomas Muller oo shabaqa dhex dhigay goolkii 3aad ee ciyaarta, waxaana ay Germany ku badisay 3-0.

Group D

Dhanka kale xulka Netherlands ayaa iska qasaarisay fursad ay ugu dhawaan lahaayeen inay si toos ah ugu soo baxaan Koobka Adduunka ka dib markii ay barbaro 2-2 ah ku qabatay xulka Estonia oo ay marti u ahaayeen.

Arjen Robben ayaa hogaanka u dhiibay Netherland ka hor inta labo gool uu dhaliyay Konstantin Vassiljev hogaanka u dhiibin xulka Estonia, waxaana ay ciyaarta u muuqatay mid ku dhamaaneysa guul ay gaarto Estonia.

Laakiin daqiiqadihii dhamaadka ee ciyaarta ayaa Holland rigoore loo dhigay, iyadoo Robin Van Persie uu u saxiixay goolka rigoorada ahaa islamarkaana ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah.

Holland ayaa weli Group D hogaanka ku heysa 19 dhibcood, waxaana ay lix dhibcood ka sareeyaan Romania oo kaalinta labaad soo gashay ka dib markii ay 3-0 ku qaarjiyeen Hungary oo u dhacday kaalinta 3aad.

Turkiga oo weli rajo ka leh inay ciriirsadaan booska labaad ee play-offs-ka loogu soo baxayo ayaa 5-0 ku xasuuqay xulka Andorra, waxaana seddexleey u dhaliyay Umut Bulut, halka Yilmaz iyo Arda Turan ay kala dhaliyeen goolasha kale.

Waxaana Turkiga ay ku jiraan kaalinta 4aad iyagoo leh 10 dhibcood, waxaana seddex dhibcood ka hooseeyaan kooxda booska kaalinta labaad haatan ku jirta ee Romania.

Group B

Xulka Talyaaniga ayaa sii xajistay hogaanka Group B iyagoo ku sii dhawaanaya inay si toos ah isaga xaadiriyaan Brazil sannadka soo socda ka dib markii ay 1-0 kaga talaabsadeen xulka Bulgaria.

Goolka kaliya ee ay Italy ku badisay waxaa qeybtii hore ee ciyaarta dhaliyay Alberto Gilardino.

Waxaana Azzurri ay hogaanka ku heysaa 17 dhibcood, iyagoo 7 dhibcood ka sareeya xulka ay ka badiyeen ee Bulgaria taasoo ka dhigeysa inay ku jiraan boos raaxo leh oo ay Koobka Adduunka ugu soo baxayaan.’

Akhriso dhammaan Kulamadii la cayaaray

Group A

FYR Macedonia  2 – 1            Wales

Serbia  1 – 1    Croatia

Scotland          0 – 2    Belgium

Group B

CzechRepublic           1 – 2    Armenia

Malta   1 – 2    Denmark

Italy     1 – 0    Bulgaria

Group C

Kazakhstan     2 – 1    Faroe Islands

Germany         3 – 0    Austria

Ireland 1 – 2    Sweden

Group D

Romania          3 – 0    Hungary

Turkey 5 – 0    Andorra

Estonia            2 – 2    Netherlands

Group E

Norway           2 – 0    Cyprus

Slovenia          1 – 0    Albania

Switzerland     4 – 4    Iceland

Group F

Russia  4 – 1    Luxembourg

N.Ireland         2 – 4    Portugal

Group G

Latvia  2 – 1    Lithuania

Bosnia-Herzegovina    0 – 1    Slovakia

Liechtenstein   0 – 1    Greece

Group H

Ukraine           9 – 0    San Marino

Poland 1 – 1    Montenegro

England           4 – 0    Moldova

Group I

Georgia           0 – 0    France

Finland            0 – 2    Spain

 


Waxaa Aqrisay: (60)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>