Xulka Azzurri ayaa guul muhiim ah gaartay waana guushii sadexaad oo ay gaaraan tan iyo markii xilka loo dhiibay Antonio Conte iyo guushii labaad ee isreeb-reebka tartanka Euro= 2016.
Chiellini ayaa noqday halyeyga ciyaarta markii uu masuul ka noqday iney dhashaan sadexda gool ee ciyaarta ka dhashay isagoo laba gool ku saacida Italy si ay guul kaga gaarto Azerbaijan oo ciyaar fiican soo bandhigtay xalayto iyadoo marti ku ah cariga talyaaniga.
Andrea Pirlo ayaa dib ugu soo laabtay xulka qaranka tan iyo koobka Aduunka waxaana wali ka maqan Mario Balotelli oo aan laga wicin xulka tan iyo mudada Antonio Conte.
Si Kastaba Chiellini ayaa gool madax ahaa dhaliyay daqiiqadii 44-aad ee dhamaadka qeybta hore ciyaarta markii uu dhameystiray kubad oo koornada kasoo laaday Pirlo.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0, oo ay hogaanka ku heyso Italy, waxaana isku soo noqodkii Chiellini uu mar kale shabaqa soo taabtay isagoo Azerbaijan ku saaciday iney helaan barbardhac markii la riixay isagoo isku daygiisu yahay inu kubad ka badbaadiyo goolkiisa daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta.
Si Kastaba Cheillini ayaa mar kale madax ka dhaliyay Azerbaijan daqiiqadii 82-aad ee ciyaarta kadib markii uu kubad qurux badneyd ka helay Giovinco oo xiligii dambe badal kusoo galay ciyaarta.
Guushaan ay gaareen Italy waxey u hogaamiysay iney ugu sara maraan groupka H, iyagoo leh 6-dhibcood, inkastoo ay dhibcaha wadaagaan xulka Croatia.
Dhanka kale Holland ayaa gaartay guushii ugu horeysay isreeb-reebka tartanka Euro 2016, kadib markii ay 3-1 ku garaaceen xulka Kazakhstan xili RVP, Huntelaar iyo Afellay ay shabaqa soo taabteen.
Renat Abdulin ayaa hogaanka ciyaarta u dhiibay xulka tababarta yar ee Kazakhstan daqiiqadii 17-aad ee ciyaarta, iyadoo taas ay keentay in qeybta hore ciyaarta lagu maro 1-0, oo ay hogaanka ku hayaan xulkii martida ahaa.
Qeybta labaad ee ciyaarta wiilka badalka kusoo galay ciyaarta Klaas-Jan-Huntelaar ayaa barbaro u keenay xulka Holland markii uu caawinaad ka helay Afellay daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta.
Dzholchiyev ayaana casaan laga siiyay iyadoo Kazakhstan ay qasab ku noqotay iney ku ciyaarto 10-ciyaartoy, Afellay ayaana hogaanka u dhiibay Holland daqiiqadii 82-aad ee ciyaarta.
Ugu dambeyntiina Robin Van Persie ayaa rigoore hogaanka ugu dheereeyay Holland isla markaana quus istaajiyay Kazakhstan, waana guushii ugu horeysay oo uu gaaro macalin Guus Hiddink.