Home » Maxaa Cusub » Ivan Gazidis “Arsenal Waxaa Caqab Weyn Ku Noqon Doonto Helitaanka Badalka Arsene Wenger!”

Ivan Gazidis “Arsenal Waxaa Caqab Weyn Ku Noqon Doonto Helitaanka Badalka Arsene Wenger!”


Ivan-Gazidis-Arsenal-Press-Conference_2873603

Masuulka ugu sareeyo kooxda Arsenal Ivan Gazidis ayaa siweyn uga walaacsan sida uu noqon doono mustabalka Gunners-ka marka uu xilka iska dhiibo macalin Arsene Wenger mustaqbalka dhow.

Wenger oo haatan 65-jir ah wuxuu dhawaan Arsenal u saxiixay heshiis 3-sano ah sidaa darteed marka uu qandaraaskiisa dhameesto lama filaayo inuu Emirates baaqi kusii ahaan doono.

Waxaana arinkan ka walaacsan Ivan Gazidis wuxuuna yiri “Arsene waa shaqsiga Arsenal heerkan soo gaarsiiyay sidaa darteed cabsi weyn ayaan qabaa kadib bixitaankiisa”

“Waayo sedex sano kadib Wenger ma doonayo inuu hawl adag qabto sidaa darteed badalkiisa inaan helo sahal nooma noqon doonto”

“Mana u maleynaayo in kaalintiisa la buuxin karo madaama uu Arsenal heer hoose kasoo qaaday ilaa uu maanta heer sare gaar siiyo”

Ivan Gazidis ayaa ka walaacsan in kooxdiisa hoos u dhac weyn so wajaho hadii uu Wenger meesha ka baxo sidoo kalena dareenkan waxaa la qabaan inta badan milkiilayaasha kooxda Arsenal oo aad ula dhacsan shaqada uu mudada dheer Wenger ka haayay Waqooyiga magaalada London”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>