Home » Horyaalada » La Liga Spain » Ivan Rakitic “Ma Sahlano In La laCayaaro Messi, Suarez Iyo Neymar”

Ivan Rakitic “Ma Sahlano In La laCayaaro Messi, Suarez Iyo Neymar”


Ivan Rakitic msn

Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro kooxda Barcelona Ivan Rakitic ayaa ka dhawaajiyay inaysan sahlaneyn in garoon la galo sedexda weeraryahan ee caalamka ugu wanaagsan Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar.

Ivan Rakitic ayaa sheegay inay shaqo adag tahay la cayaarista MSN iyo in kubada si xawaare ku dheehan uu u cayaaro si uu kaga faa’iideesto kubada ay MSN abuuraan.

Ivan Rakitic wuxuu yiri “Dad badan waxay dhahaan wey sahlan tahay in MSN lala cayaaro balse kuma raacsani”

“Ma sahlano in la cayaaro kubada waayo waa xidigo aad u dheereeyaan xawaaro ahaan anigana diyaar ayaan u ahay inaan 5,000 oo Kilo Mitir ordo si aan kaga faa’iideesto fursadaha ay xidigahan abuuraan”

Ivan Rakitic ayaa dhinaca sheegay inuu xiiso u qabo la qaadista kooxdiisa Barcelona sedex koob oo dheeri ah ka hor inta uusan sanadkan 2015 dhamaanin.

Ivan Rakitic wuxuu yiri “Mudo gaaban waxaan ku cayaari doonaa Uefa Supercup, Spanish Supercup iyo FIFA the Club World Cup”

“Waxaan doonayaa sanadkan inta ka harsan inaan Barcelona kula guuleesto sedexdaan koob ee muhiimka ah.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>