Daafaca reer Serbia Branislav Ivanovic ayaa kooxdiisa Chelsea ka fujiyay madaama uu guul muhiim ah ka siiyay naadiga Aston Villa cayaar 2-1 Chelsea guusha ku raacday.
Ivanovic ayaa dhaliyay gool aad u quxroon kaasi oo u sahlay in Chelsea ay haatan hogaanka ku qabato 7-dhibcood oo nadiif ah, hadaba daafacan awooda badan ayaa saxaafada la hadlay kadib guushii Villa wuxuuna yiri.
“Waan ku faraxsanahay guusha muhiimka ah ee aan gaarnay sidoo kalena marwalbo ayaan dhibaato kala kulanaa Aston Villa”
“Waxay ii tahay farxad weyn inaan gool qurux badan kooxdyeda dhibcaha ku qaadato waana lagama maarmaan inaan diirada saarno kulamada nagu soo fool leh”
“Shaqsi ahaan kuma qanacsani bandhiga aan kulankan ka sameeyay waayo qaladaad badan ayaan galay sidoo kale si adag uma cayaarin”
Ivanovic ayaa la weydiiyay in haatan Chelsea horyaalka u dhintay madaama kooxda Man City markale ay dhibco qasaarisay wuxuuna kaga jawaabay.
“Horyaalka waxaa ka harsan 14-kulan sidaa darteed wax walbo ayaa dhici karo mana la dhihi karo Man City tartanka ayay ka hartay”
“Waxaa muhiim ah inaan marwalbo kulanka aan cayaareyno diirada saarno waayo kama hadli karno hanashada horyaalka mana ahan xili laga hadlo calfashada EPL”