Home » Maxaa Cusub » “Jaceyl Nama Dhexmarin” Wilfried Zaha Oo Twitter-ka Ka Beeniyay Inuu Xiriir Kala Dhaxeeyo Gabadha David Moyes

“Jaceyl Nama Dhexmarin” Wilfried Zaha Oo Twitter-ka Ka Beeniyay Inuu Xiriir Kala Dhaxeeyo Gabadha David Moyes

article-2519443-19E90FD400000578-796_636x480

Da’yarka Man United Wilfried Zaha ayaa wajahaya fadexad kadib markii saxaafada England ay shaacisay in wiilkaan uu xiriir la leeyahay gabadha uu dhalayay tababaraha kooxda Man United David Moyes Lauren taasoo sababtay ayaa la yiri inuu wiilkaan keydka ka galo kooxda Man United.

Zaha ayaa ka beeniyay maanta bogiisa twitter-ka xiriirka la sheegay inuu la leeyahay gabadha David Moyes iyo sidoo kale in ka in arinta maqnaashihiisa ay ku saleysan tahaya rintaas.

Denial: The Manchester United youngster took to Twitter to deny dating the daughter of David Moyes

Waxaan Jeclaan lahaa in la joojiyo wararka beenta ah, waan ciyaari u ciyaari doonaa Manchester United marka macalinka uu u dareemo inaan ahay nin diyaarsan.

Waligey Ma Jeclaan xitaa lama kulmin gabadha Moyes, sidaas darteed maahan iney sabab u tahay maqnaashaheyga Kulamada Man United

Ayuu yiri xidiga heerka caalami ee da’yarta Xulka England.

Ugu dambeyntii Wilfried Zaha ayaa rajeynaya inuu qaab amaah ah uga tago kooxda bisha January inkastoo uu jaanis u heli waayay safka wiilasha murugsan ee Man United.


Waxaa Aqrisay: (388)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>