Home » Maxaa Cusub » Jack Wilshere “Arsenal Hada Ayay Jah Wareerka Ka Bixi Doonaa Madaama Walcott Soo Laabtay”

Jack Wilshere “Arsenal Hada Ayay Jah Wareerka Ka Bixi Doonaa Madaama Walcott Soo Laabtay”


Jack-Wilshere-Theo-Walcott_2877882

Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro kooxda Arsenal Jack Wilshere ayaa aaminsan in soo laabashada Theo Walcott ay kooxdiisa dan weyn ugu jirto wuxuuna Wilshere ka dhawaajiyay in Walcott uu ka mid yahay xidigaha aduunka ugu wanaagsan.

“Theo hogaamintii aan u baahneyn ayuu naga soo kordhin doonaa sidoo kalena dhibaatada aan hada ku jirno isaga ayaa naga saari karo madaama uu yahay xidig karti badan sidoo kalena goolal muhiim ah dhalin karo”

Walcott mudo 9-bilood ku dhow ayuu garoomada ka maqnaa balse Wilshere ayaa aaminsan in xidigan marnaba tayadiisa hoos u dhac sameynin wuxuuna yiri.

“Tusaale waxaa kuugu filan kulankii 21-jirada Arsenal uu u cayaaray wuxuu muujiyay in weli waxqabadkiisa uu sareeyo sidaa darteed marnaba shaki iigama jiro inuu Theo wax weyn nagu soo kordhin doono”

Arsenal haatan waxay 11-dhibcood ka hooseysaa kooxda Chelsea oo hogaamineyso EPL sidaa darteed Wilshere iyo Walcott shaqo culus ayaa u taalo si ay Gunners-ka ugu soo celiyaan safka hore ee horyaalka England.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>