Home » Maxaa Cusub » Wilshere Oo Laga Saaray Kooxda Arsenal Ee Champions League-ga La Ciyaareysa Anderlecht

Wilshere Oo Laga Saaray Kooxda Arsenal Ee Champions League-ga La Ciyaareysa Anderlecht


Wilshere

Kubad sameeyaha da’da yar ee xulka England iyo kooxda Gunners ayaa xanuun dartiis ku seegay kulanka ay kooxdiisa talaada la balansan tahay Anderletch kulan ka tirsan Champions League wareegiisa Groupyada, balse tababare Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in wiilkiisa uu diyaar u noqon doono kulanka sabtida ay kooxdiisa la ciyaareyso Swansea City.

Wilshere oo dhaawac dhanka jilibka ah darteed usoo xaadiri waayay tababarkii maanta ayaan sidoo kale imaanba xerada tababarka ee London Cloney, halka sidoo kale la xaqiijiyay in Aaron Ramsey uu diyaar u yahay kulankaan.

“Wilshere wuu xanuunsan yahay, mana ciyaari doono kulanka Anderletch, balse kulanka isbuuca soo aadan waa u diyaar” Ayuu yiri tababare Arsene Wenger.

Sidoo kale xidigaha kulankaan seegaya waxaa ka mid ah: Mesut Ozil, Olivier Giroud, Debuchy, iyo Laurent Koscielny kuwaas oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Si Kastaba Arsenal waxey haatan leedahay 6-dhibcood, sadexdii kulan ee ugu horeysay tartanka Champions League wareegiisa groupyada, taasoo muujineysa in kulan ka tirsan guuldaro la kulantay.

SAWIRADA TABABARKII UGU DAMBEEYAY ARSENAL:

Arsene Wenger welcomes his players to training at London Colney on Monday morningAlex Oxlade-Chamberlain limbers up at training after starting in the 3-0 win over Burnley on SaturdayTheo Walcott returned to action at the Emirates as a substitute on Saturday in the win over BurnleyArsenal have won two and lost one of their three Champions League games so far

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>