Weeraryahanka reer Colombia Jackson Martinez ayaa niyada u dhisay kooxda Arsenal oo xidigan ku raad joogto.
Waayo Jackson Martinez ayaa ka dhawaajiyay inuu diyaar u yahay ka baqoolista kooxdiisa FC Porto ee uu sanado badan ka tirsanaa lana qeebsaday guulo badan.
Jackson Martinez oo ka hadlaayo mustaqbalkiisa halka uu ahaan doono wuxuu yiri “Haatan waxaan ku mashquulsanahay sidii aan xulkeyga Colombia tartanka Copa America kala qayb qaadan lahaa”
“Balse dabcan waan ka warsugaa isbadalka dhici karo xagaagan waayo ogolaansho rasmi ah ayaan kooxdeyda Porto inaan bixi karo”
Weeraryahankan awooda badan hadalka kasoo yeeray ayaa muujinaayo inuu bixi karo balse 28-jirkan qiimo jaban kooxdiisa FC Porto kuma fasixi doonto.
Waxayna ku dooneysaa in ka badan 30-milyan oo pound taasi oo suura galin karto in Arsenal ay dib u liqdo damaca kaga jiro saxiixa Jackson Martinez.