Home » Maxaa Cusub » Jackson Martinez Oo Markii Ugu Horeesay Ka Hadlay Xiisaha Ay Arsenal U Qabto Iyo Mustaqbalkiisa Cayaareed

Jackson Martinez Oo Markii Ugu Horeesay Ka Hadlay Xiisaha Ay Arsenal U Qabto Iyo Mustaqbalkiisa Cayaareed


Jackson-Martinez_2850012

Weeraryahanka naadiga FC Porto iyo xulka Colombia Jackson Martinez ayaa markii ugu horeesay ka hadlay mustaqbalkiisa cayaareed iyo waxa ka jiro dalabka dhanka Arsenal kasoo gaaray.

28-jirkan ayaa ku wareersan mustaqbalkiisa cayaareed waayo asigoo ku mashquulsan tartanka Copa America waxay kooxdiisa Porto shaacisay inay AC Milan la heshiisay sidoo kalena Martinez uu naadiga Milan ku biiri doono.

Balse Jackson Martinez ayaa arinkan ka hadlay wuxuu yiri “Weli wax go’aan ah ma qaadan sidoo kalena kuma fikirin xagaagan naadigii aan ku biiri lahaa waayo waxaan ku mashquulsanahay tartanka Copa America oo kaliya”

Sidoo kale Jackson Martinez ayaa la weydiiyay hadal heynta ku aadan inuu jecel yahay ku biiritaanka naadiga Arsenal wuxuuna arinkan kaga jawaabay.

“Arsenal waa naadi weyn kana mid ah kooxaha aduunka ugu wanaagsan”

“Balse weli dalab rasmi ah dhanka Arsenal igama soo gaarin sidaa darteed ma jiro qorshe aan kooxdan kaga mid noqonaayo”

“Weli go’aan kama gaarin mustaqbalkeyga cayaareed balse dhawaan ayaan qaadan doonaa go’aan dan iigu jirto sidoo kalena ay kooxeyda Porto ku qanci doonto”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>