Home » Horyaalada » italian Serie A » Jamaahiirta Juventus Oo War Farxad Leh Ka Maqlay Dhaqaatiirta Caafimaadka Kooxda, Maxey Sheegeen?

Jamaahiirta Juventus Oo War Farxad Leh Ka Maqlay Dhaqaatiirta Caafimaadka Kooxda, Maxey Sheegeen?


Marchisio...

Iyadoo ay jirto in Jamaahiirta Juventus uu madaxooda hoos jiro madama shalay dhagahooda ay maqleen war xun markii loo sheegay in xili ciyaareedkii Claudio Marchisio ee Juve uu soo idlaaday kadib dhaawac jilibka ah oo kasoo gaaray isagoo ku sugan tababarka xulka.

Si kastaba tijaabadii shalay oo jimco aheyd lagu saaray Florence waxaa lagu cadeeyay in xidigaan uu mudo 6-bilood ah garoomada ka maqnaanayo, balse xidigaan ayaa lasoo gaarsiiyay Turin.

Flavio Quaglia oo dhaqtarka kooxda Juventus ayaa dib u eegay dhaawaca xidigaan isagoo saaray raajo labaad, waxaana lagu ogaaday in xidigaan carjawda jilibka aysan waxba ka gaarin taasoo fududeyn karta mudada uu garoomada ka maqnanayo.

“Claudio Marchisio wuxuu shalay kasoo noqday tababarka xulka qaranka, waxaana raajo saaray professor Flavio Quagliaoo” Ayey u qorneed warbixin kooxda ay shaacisay.

“Raajadii labaad ee la saaray waxaa lagu ogaaday ineysan jirin waxyeelo soo gaartay carjawda jilibkiisa Midig”

Juventus ayaan mudo u qaban dhaawaca xidigaan, balse waxaa maalin walba la sameyn doonaa tijabo guud iyo qiimeyn taaso lagu ogaan doono xaalkiisa.

Ugu dambeyntii maalmo kadib ayey Juventus shaacin doontaa mudada rasmiga ah oo uu xidigaan garoomada ka maqnaan doono.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>