Home » Maxaa Cusub » James Milner Oo Goolkiisa Ugu Horeeyay Liverpool U Dhaliyay Kulan Ay Guusha Ka Qaateen Naadiga Brisbane Roar

James Milner Oo Goolkiisa Ugu Horeeyay Liverpool U Dhaliyay Kulan Ay Guusha Ka Qaateen Naadiga Brisbane Roar


BRISBANE, AUSTRALIA - JULY 17:  James Milner of  Liverpool FC celebrates a goal with team mates during the international friendly match between Brisbane Roar and Liverpool FC at Suncorp Stadium on July 17, 2015 in Brisbane, Australia.  (Photo by Chris Hyde/Getty Images)

Kooxda Liverpool oo haatan safar cayaareed ku joogto dalka Australia ayaa kulankeedii labaad ee safarkan guul ka gaartay waxayna guusha ka qaateen naadiga Brisbane Roar.

Hadal heynta kulan saaxiibtinimo waxaa la tagay saxiixa cusub ee Liverpool James Milner oo goolkii ugu horeeyay kooxdiisa u dhaliyay.

Sidoo kalena kulankan xiisaha badan ee reer Australia usoo daawasho tageen waxaa Liverpool goolka kale u dhaliyay Adam Lallana.

Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Brisbane Roar Dimitri Petratos ayaa xili hore Liverpool gool kaga naxsaday weliba laad hoose ayuu goolka Mignolet ka dhaliyay.

Balse daqiiqadii 27-aad Liverpool waxaa goolka kasoo guday Adam Lallana oo dhaliyay laad xoogan oo aad u qurxoon.

Kulankan xiisaha badan James Milner ayaa guusha Liverpool siiyay daqiiqadii 75-aad kadib markii uu cayaarta ka dhigay 2-1 wuxuuna baas ka helay Jordan Henderson.

Milner ayaa kulan bandhig wanaagsan sameeyay sidoo kalena xidigan waxay si wacan iskula shaqeeyeen Adam Lallana iyo Jordan Henderson.

Xidigaha Liverpool Kulan u cayaareen: Mignolet, Clyne, Skrtel, Sakho (Toure 62), Gomez (Maguire 62), Henderson, Lucas (Rossiter 69), Milner, Ings (Lambert 76), Lallana (Ibe 62), Origi (Kent 62)

Badalka aan la isticmaalin: Bogdan, Fulton, Lovren, Moreno, Allen, Wisdom, Markovic, Teixeira, Ojo, Wilson, Cleary, Chirivella

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>