Kubad sameeyaha reer Colombia James Rodriguez ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa Real Madrid ay haatan fursad wanaagsan u heesato inay nus dhumaadka koobka Yurub u gudubto.
James Rodriguez iyo kooxdiisa Real Madrid bar bar dhac 0-0 ayay la galeen naadiga Atletico Madrid wareega 8-aad ee Champion-ka lugtiisa kowaad.
Madaama garoonka Atletico lagu cayaaray sidoo kalena todobaadka dambe Bernabue la tagi doono James ayaa isku kalsoon.
“Waxaan u maleynaa inaan guuleesan karnay kulankii Atletico balse haatan natiijo wanaagsan ayaan heesanaa waxaana ku kalsoonahay inaan garoonkeena ku garaaci karno”
“Runtii xili xasaasi ah ayaan ku jirnaa balse waxaan hubaa inaan Semi-Finalaha Champion-ka u gudbi karno hadii aan Atlletico ula cayaarnay sidoo lugtii hore aan ula cayaarnay”
James Rodriguez ayaa sheegay in kooxdiisa Real Madrid ay kasoo gudubtay marxaladii jah wareerka haatanay diyaar u yihiin inta ka harsan xili cayaareedkan inay u halgamaan La Ligaha iyo Champiob-ka Yurub.