Kubad sameeyaha xulka Colombia iyo naadiga Real Madrid James Rodriquez ayaa lagu wadaa inuu dhawaan garoomada dib ugu soo laabto sidoo kalena uu kasoo kaban rabo dhaawacii jabka ahaa ee xidigan gaaray.
James dhaawac jab ah oo dhanka cagta ayaa soo gaaray 4-Febraayo ee aan kasoo gudubnay waxaana horey loo sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono inta ka harsan xili cayaareedkan.
Balse haatan qaar ka mid ah saaxafada Spain ayaa qoreen in xidigan uu hormar wanaagsan sameenayo sidoo kalena uu rajo fiican ka qabo inuu kubada dib u laado ka hor inta uusan xili cayaareedkan dhamaanin.
Sidoo kale weeraryahanka naadiga Sevilla Carlos Bacca oo ay James ka wada tirsan yihiin xulka Colomba ayaa sheegay inuu marwalbo saaxiibkiisa la xariiro sidoo kalena u sheegay inuu garoomada mardhaw kusoo laaban rabo.
“James xaalad wanaagsan ayuu ku sugan yahay wuxuuna ii sheegay inuu soo kabanayo balse deg degsiimo kuma jirto waxaana rabnaa inaan dhamaanteena wada aragno James oo caafimaad qabo”