Kulanka galabta ka dhici doono Anfield waa cayaar labada naadi ay guul u baahan yihiin balse halyeey Jamie Carragher ayaa ku booriyay kooxdiisii hore Liverpool inay Man United dhagta dhiiga u daraan.
“Waa kulan aad u miisaan culus una qalmo cayaar Final ah lagu matalo balse waxaan qabaa dareen ahaan in Livepool ay cayaartan guuleesan karto”
“Waayo Liverpool haatan waa kooxda ugu wanaagsan EPL sanadkan 2015 sidoo kalena Man United todobaadkii hore bandhig fiican ayay sameesay inkastoo hal kulan aan wax lagu qiimeyn karin”
“Labo todobaad ka hor Anfield ayaan ku sugnaa markii Liverpool 2-1 ay kaga badisay Man City hadii ay bandhigaas oo kale ay sameeyaan waxaan ku kalsoonahay inay Man United ka tilaabsan karaan”
Jamie Carragher ayaa geeska kale amaanay macalin Brendan Rodgers sida uu kooxdiisa dib ugu abaabulay madaama bilawgii xili cayaareedkan Reds xaalkeeda laga deyriyay wuxuuna yiri
“Waxaan amaan gaar ah mudan tababare Rodgers waayo macalin walbo ma ameyn karo shaqadaan oo kae ma qaban karo wuxuuna dib usoo dhigay Liverpool oo gashay xaalad aad u xun bilawgii xili cayaareedkan”