Halyeegii hore ee kooxda Liverpool Jamie Carragher haatana ka mid ah shaqiyaadka ugu awooda badan marka ay timaado adeegsiga dhanka saxaafada ayaa weerar culus ku qaaday kooxdiisa.
Wuxuuna Jamie si gaar ah uga careesan yahay qaab cayaareedka fool xun oo ay soo bandhigayaan daafacyada Reds midaas ayaa ku qasabtay halyeegan inuu daafaca Liverpool ku tilmaamo midka ugu xun EPL.
“Ma ahan wax la qarin karo dhibaatada Liverpool ka heesato dhanka daafaca waa mid mudo dheer soo jiirtay balse haatan kooxda heerkii ugu xumeed ayay taagan tahay marka laga hadlaayo tayada daafacyada ay heesato”
“Waa run Liverpool kulankii ugu dambeeyay wey guuleesatay balse waxaa laga dhaliyay goolal doqomeed waxaana oran karaa haatan Liverpool iyada ayaa ugu daafac xun EPL!”
“Liverpool ma hiigsan karto ahdaafta u dagsan xili cayaareedkan hadii aysan daafaceeda dib u qaabeyn, kooxda xaalad halis ah ayay ku sugan tahay waxaana ka cabsi qabaa hadii daafaceeda xun aan la hagaanin in dhibaatada nagu sii badato”