Home » Maxaa Cusub » Jan Vertonghen Oo Beeniyay Inuu Kooxdiisa Tottenham Xagaagan Isag Hayaami Doono

Jan Vertonghen Oo Beeniyay Inuu Kooxdiisa Tottenham Xagaagan Isag Hayaami Doono


Vertonghen

Daafaca xulka Belgium Jan Vertonghen ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayo inuu xagaagan kooxdiisa Tottenham isaga hayaami doono.

Daafacan tayada wanaagsan waxaa la hadal haayay inuu naadiga Napoli dhawaan ku biiri doono balse asigoo la hadlaayay jariirada L’Equipe wuxuu beeniyay arinkaan.

“Waxaan u maleynaa inaan Spurs lasii joogi doono, waan la socdaa warar ay saxaafada qortay balse waa kuwo aan waxba ka jirin”

“Xagaa walbo ayaa magaceyga suuqa Yurub lagu hayaa balse xaqiiqada ayaa ah inaan Tottenham baaqi kusii ahaan doono”

“Waa muhiim inaan xili hore cadeeyo mustaqbalkeyga cayaareed waayo ma doonayo in magaceyga suuqa Yurub lagu sii dhex hayo”

Dhanka kale Jan Vertonghen ayaa u sheegay L’Equipe inay muhiim tahay in kooxdiisa Tottenham ay celiso goolhaye Hugo Lloris oo doonayo inuu xagaagan Spurs isaga hayaamo kuna biiro kooxaha PSG ama Man United midkood.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>