Home » Horyaalada » italian Serie A » Javier Zanetti Oo Ka Dhawaajiyay In Kooxdiisa Inter Milan Ay Ku Raad Joogto Saxiixa Medhi Benatia

Javier Zanetti Oo Ka Dhawaajiyay In Kooxdiisa Inter Milan Ay Ku Raad Joogto Saxiixa Medhi Benatia


Benatia

Agaasimaha guud ee kooxda Inter Milan Javier Zanetti ayaa si rasmi ah daaha kaga qaaday in kooxdiisa ay ku raad joogto saxiixa daafaca reer Morocco Medhi Benatia.

Medhi Benatia ayaa xagaagii hore kooxda Bayern Munich ku biiray balse uma suura galin inuu Munich si joogto ah ugu cayaaro madaama ay dhaawacyo wareeriyeen sidaa darteed xidigan niyada wuxuu ku hayaa inuu dib ugu laabto Serie A-da Talyaaniga asigoo Roma waqti wacan horey ula soo qaatay.

Javier Zanetti oo ka hadlaayo hadal heynta Medhi Benatia wuxuu yiri “Medhi waa daafac awood badan sidoo kalena ku haboon nidaamka aan cayaarno”

“Dadaal wanaagsan ayaan ugu jirnaa sidii aan ku heli laheyn balse waa xidig Bayern heshiis dheer kula jiro sidaa darteed go’aanka ugu dambeeyo Bayern ayaa iska leh”

Inkastoo Inter Milan xili cayaareedkan kaalinta 8-aad ka gashay Serie A-da sidoo kalena xili cayaareedka dambe aysan tartamada Yurub cayaari doonin.

Hadana Zanetti ayaa kalsooni ka muujiyay inay saxiixyo tayo wanaagsan xagaagan sameyn karaan si ay xili cayaareedka dambe ugu tartamaan hanashada Serie A-da Talyaaniga.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>