Home » Horyaalada » Bundesliga » Jerome Boateng Oo Ka Dhawaajiyay Inuu Iska Diiday Naadiga Barcelona Kana Door Biday Inuu Munich Baaqi Kusii Ahaado

Jerome Boateng Oo Ka Dhawaajiyay Inuu Iska Diiday Naadiga Barcelona Kana Door Biday Inuu Munich Baaqi Kusii Ahaado


boateng-guardiola490epa

Daafaca dhexe ee xulka Jarmalka iyo naadiga Bayern Munich Jerome Boateng ayaa ka dhawaajiyay inuu iska diiday naadiga Barcelona oo dalab rasmi ah usoo dirtay xagaagii aan kasoo gudubnay.

Kadib markii Barcelona ay ku guul dareesatay saxiixa Boateng waxay kooxdan lasoo wareegtay daafacyada kala ah Douglas Pereira, Thomas Vermaelen iyo Jeremy Mathieu.

Boateng oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Ma aqaan sida uu dalabka Barcelona igu soo gaaray balse waxaa xaqiiqo ah in xagaagan aan helay fursad aan Camp Nou ku aadi karay”

“Balse waan iska diida waxaana doortay inaan kooxdeyda Bayern Munich lasii joogo oo aan mustaqbalkega cayaareed u hibeeyo”

“Waa sharaf weyn hadii naadi Barcelona oo kale dalab kuu soo dirto balse maanta lama joogo xiligii aan Bayern ka tagi lahaa waayo halka ayaa wax walbo ku calfan karaa”

26-jirkan hadii uu dooran lahaa inuu Barcelona ku biiro wuxuu noqon lahaa laacibkii sedexaad ee xulka Jarmalka koobkii aduunka la qaaday kaasi oo La Ligaha usoo dhaqaaqo.

Waxaana bilawgii xili cayaareedkan usoo hayaameen Toni Kroos oo Real Madrid ku biiray iyo hkodran Mustafi oo isagana kooxda Valencia ka mid noqday.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>