Xulka ah horyaalka aduunka Jarmalka waxay guuldaro lama filaan ah sabtigii aan kasoo gudubnay kala kulmey xulka Poland kulan ka tirsanaa isreeb reebka Euro 2016, sidaa dartee macalin Joachim Low ayaa ka dhawaajiyay in caawo Jarmalka guul wax ka yar ku qanci doonin.
Jarmalka waxay caawo wajihi doonaan xulka Jamhuuriyada Ireland isla kulan ka tirsan isreeb reebka Yurub wuxuuna macalnkan yiri asigoo isku kalsoon “Inkastoo Poland guuldaro kala kulanay hadana kulanka caawo si wanaagsan ayan ugu diyaar garownay waxaana dooneynaa inaan Ireland cashir u dhigno”
“Inkastoo Ireland ay yihiin xul xushmad naga mudan hadana waa muhiim inaan 3-dhibcood helno si aan uga so kabano guuldaradii Poland”
“Hogaamiyaha Irelan Robbie Keane waa gool dhaliye aad u wanaagsan sidaa darteed halis weyn ayaa nooga imaan karto balse kulankan qorshihii aan ku celin laheyn waan diyaarsanay”
Kulankan xiisaha badan waxaa lagu cayaari doonaa Garoonka Veltins-Arena, Gelsenkirchen ee naadiga Schalke waxaana la filaa in cayaar adag labadan xul caawo dhex marto.
Ugu dambeyntii tababare Low ayaa ka dhawaajiyay in xidigahiisa dhamaan ay haatan bed qabaan marka laga reebo Christophe Kramer oo haatan hargab haayo sidoo kalen shaki la galiyay inuu kulankan safan karo.