Tababaraha xulka Jarmalka Joachim Low ayaa difaacay xidigiisa Mesut Ozil kaas oo su’aalo la iska weydiiyay imaatinkiisa magaalada Berlin xili uu xanuun dartiis ku seegay kulankii ay kooxdiisa 2-1 kaga adkaatay Newcastle United sabtidii.
Saacad kadib markii ay Arsenal garaacday kooxda uu hogaamiyo John Carver, Ozil uma muuqan mid fiican, balse muran badan ayey dhalisay in lagu sawiro baar ku yaala Berlin xili kooxdiisa ay xanuun ku ogeed.
Waa hubaal in socdaalkaas uu ka xanaajiyo tababare Wenger, kaas oo xidigiisa ka doonaya inuu sharaxaad ka bixiyo kadib marka uu soo laabto.
Jarmalka ayaa caawa la ciyaaaraya Austrlia kulan saaxiibtinimo, ka hor inta aysan Goergia la ciyaarin kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016.
Si kastaba macalin Joachim Low ayaa shaaca ka qaaday in Mesut Ozil uusan fasax la’aan soo bixin isla markaana uu fasax kasoo qaatay macalinkiisa Wenger ka hor inta uusan usoo duulin Berlin.
“Wuxuu ii sheegay inuu joogo Berlin, waan la hadlay isaga wuxuuna igu yiri isbucaan qabow baan dareemay, aniga iyo macalinkana si wadajir ah baan uga hadalnay inaanan ciyaarin isbuucaan, kulanka kadibna wuxuu ii ogolaaday inaan usoo duulo Berlin” ayuu yiri Joachim Low.
Si kastaba Saxaafada Ingiriiska ayaa hawada galineysa arintaan inkastoo kooxda Arsenal iyo tababare Wenger aysan arintaan wali ka hadlin.
Ugu dambeyntii Low ayaa difaacay sababta uu xulkiisa ugu soo daray Lukas Podolski oo qaabkii ugu xumaa waayahiisa kubada cagta haatan ku sugan isagoo sheegay in xidiga uu si fiican u ciyaaray kulankii ugu dambeeyay.