Warar xiiso badan ayaa ka imaanayo gobolka Catalunya madaama gudoomiyihii hore ee kooxda Barcelona Joan Laporta uu wado ololo xoogan oo uu doonayo inuu mar labaad kusriga sare ee kooxdan dib ugu soo laabto.
Qorshaha ugu weyn ee uu Joan Laporta doorashada ku gali doono ayaa ah inuu ka balan qaadi doono mlkiilayaasha Barcelona inuu kooxda hogaankeeda u dhiibo Jose Mourinho oo haatan leyliyo kooxda Chelsea.
Laporta ayaa doonayo inuu hogaanka Barcelona kula tartamo gudoomiye Josep Maria Bartomeu waxaana la filaa in doorashada kooxdan la qabto arka uu xili cayaareedkan dhamaado wuxuuan Laporta doonayaa inuu Mourinho dalka Spain dib ugu soo celiyo.
Waxaa naga xasuusin ah in Jose Mourinho uu hada ka hor garoonka Camp Nou kasoo shaqeeyay waxaana markaas geeyay Sir Bobby Robson asigoo turjubaan u ahaa kadibna wuxuu caawiye u noqdy Luis Van Gaal.
Balse haatan waxay u badan tahay inay diidi doonaan taageerayaasha Mourinho inuu Camp Nou kusoo laabto madaama macalinkan uu mudo sedex sano ah Barcelona dagaal kula jiray asigoo macalin u ahaa naadiga Real Madrid oo ay Barcelona cadow isku yihiin.