Goolhaye Joe Hart ayaa heshiis waqti dheer ah u saxiixay kooxdiisa Manchester City isagoo isbuucii qaadan doona 120,000 Pound isagoo Etihad Stadium ku sugnaan doona ilaa 2019.
Hart ayaa noqday xidigii ugu dambeeyay ee heshiiska u kordhiya kooxda Manchester City, iyadoo wararkaas la xaqiijiyay jimcadii.
Joe Hart ayaa u saftay Manchester City 276 kulan tan iyo markii uu Shrewsbury kaga soo biiray 2006.
“Waan jecleysanayay xili walba tan iyo markii aan halkaan kusoo biiray” ayuu yiri Hart.
Sidoo kale James Milner ayaa isna filanaya inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa Manchester City, xili kooxda City ay qarka u saaran tahay iney si kumeel gaar ah hogaanka ula wareegto hadii ay goolal 4-ka badan kaga badiso kooxda Crystal Palace.
Ugu dambeyntii macalinka Man City Manuel Pellegrini ayaa qiray in kooxdiisa ay u tartami doonto horyaalka tan iyo dhamaadka isla markaana uusan horyaalka dhamaan bisha December.