Home » Horyaalada » La Liga Spain » Johan Cruyff Oo Ku Dhaliilay Maamulka Barcelona Sababtii Ay Toni Kroos Ula Soo Saxiixan Waayeen!

Johan Cruyff Oo Ku Dhaliilay Maamulka Barcelona Sababtii Ay Toni Kroos Ula Soo Saxiixan Waayeen!


Kros

Halyeegii hore ee kooxda Barcelona Johan Cruyff sidoo kalena kooxdan macalin usoo noqday ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay in Barcelona ay xagaagii aan kasoo gudubnay ku guul dareesatay saxiixa Toni Kroos oo haatan ah xidiga khadka dhexe Real Madrid u maamulo.

Kroos xagaagii aan kasoo gudubnay suuqa Yurub ayay kooxdiisii hore Bayern Munich soo dhigtay kadib markii uu diiday qandaraas kordhin waxaana marar badan lala xariiriyay naadiga Barcelona balse si lama filaan ah Real Madrid ayaa xidigan gacanta ugu soo dhigtay.

Madaama haatan la isla arkay tayada Kroos iyo doorka wanaagsan ee uu ku leeyahay kooxda Real Madrid waxaa ka carooday siyaasad xumada maamulka Barcelona halyee Johan Cruyff wuxuuan yiri.

“Waan ogaa in Kroos uu niyada ku haayay Barcelona sidoo kalena uu jeclaa inuu garoonka Camp Nou kasoo muuqdo balse ma fahmin sababta maamulka Barcelona uga gaabiyeen inay xidigan caqliga badan la saxiixdaan”

“Sidoo kale Pep Guardiol ayaa mar ka dhawaajiyay inuu Kroos jecel yahay u cayaarida Barcelona balse nasiib daro xidig aad u wanaagsan ayaan ka gaabinay saxiixiisa maantana qaladkii aan galnay waxaa la faa’iideesatay Real Madrid oo haatan in badan ka macaashtay waxqabadka wanaagsan ee Kroos”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>