Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya ingiriiska Man United ayaa qarka u saaran iney la saxiixato xidiga Real Madrid Gareth Bale kaas oo ay ciriiri ku noqotay inuu ku noolaado magaalada Madrid madama cadaadisyo badan ay fuuleen.
Xidigaan reer Wales ayaa heshiis rikoor ah ku yimid Real Madrid sanadii 2013, wuxuun aduun dhan 86 Malyan Oo Pound kaga yimid Tottenham Hotspur.
Inkastoo uu kooxda koobab badan la qaaday isla markaana uu door fiican ku lahaa in kooxda ay ku guuleysato Copa Del Rey iyo Champions League madama uu goolal dhaliyay hadana cadaadis xoog leh oo kaga imaanaya Jamaahiirta ayaa fuulay xagaagan.
John Richardson oo ah wariye ka tirsan Express oo kasoo muuqday MUTV ayaa cadeeyay in qof aad ugu dhaw Gareth Bale uu u sheegay in xidigaan uu heshiis la gaaray goor hore Man United.
Sidoo kalana Bale ayaa u muuqda mid aan kusii nagaan doonin Bernabeu madama uusan waqti fiican ku heysan inkastoo wakiilkiisa uu sheegay in Bale uu xagaaga soo aadan sii joogo doono Madrid.
Ugu dambeyntii Gareth Bale baabuurkiisa ayaa xalay ay weerareen koox taageerayaal ah xili uu ka baxayay garoonka Santiego Bernabeu.