Daafaca da’da yar ee kooxda Everton John Stones ayaa fursad ay kula hadasho siinaya kooxda Chelsea iyadoo kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska ay diyaar u tahay iney xidigaan heerka caalami dalab cusub u dirto si ay heshiiskiisa u dhameyso.
Ilo ku dhaw Stones ayaa sheegaya in xidigaan uu daneynayo kasoo muuqashada Champions League-ga isla markaana uu samenayo go’aankii uu Sterling Liverpool ugu qasbay iney iska iibiso si uu kooxda Manchester City ugu biiro.
Balse Blues ayaa la filayaa iney dalab aan caadi aheyn u dirto Everton isla markaana ay miiska u saarto 26 Malyan Oo Pound si ay u hantiso da’yarkaan ay doonayaan inuu mustaqbalka badal u noqdo John Terry.
Roberto Martinez ayaa goor hore shaaciyay in xidigii hore Bransley uusan beec aheyn isla markaana uu Chelsea ku eedeeyay iney si xun wax u wadaan.
Si kastaba kooxda Blues waxey dooneysaa iney hesho badalka Terry, waxeyna u arkeen xidigaan heerka caalami inuu yahay badalka saxda ah ee ku haboon.
Mourinho ayaa hadalka Martinez ka jawaabay isagoo sheegay iney dalab u direen isla markaana ay u diri doonaan mar kale tan iyo inta uu suuqa furan yahay taasna ay tahay sharci aan cidi ka hor istaagi karin.
Ugu dambeyntii Stones ma diidi doono fursad uu kaga mid noqon karo kooxda Chelsea waana koox mudan in loo ciyaaro.