Kabtan John Terry ayaa weerar toos ah ku qaaday kooxaha Arsenal iyo Man United madaama Chelsea ay haatan qarka u saaran tahay in loo caleemo saaro horyaalka dalka England.
Labadii todobaad ee ugu dambeeyay Chelsea waxay la cayaartay kooxaha Man United iyo Arsenal waxayna ka qaadatay 4-dhibcood oo ay u baahndeed inkastoo labadaas kulan kubad ahaan Chelsea laga fiicnaa.
Kabtan Terry ayaa fariin kaftan ku dheehan u diray labada naadi oo ay xifaaltamaan wuxuuna yiri “Kubada in la heesto wey wanaagsan tahay balse wax micno ah ma sameeneyso hadii aadan natiijo wanaagsna la imaan karin”
“Waa run todobaadkii hore Man United aya naga kubad fiicaneyd sidoo kalena Arsenal iyadana kubada in badan ayay heesatay”
“Balse Chelsea waa koox natiijo cayaarto haatana waxa tusaale kuugu filan kooxaha kubada heestaan inay naga hooseeyaan haatana aan horyaalka ku guuleesan rabno”
John Terry ayaa ku faraxsan in kooxdiisa ay si adag xili cayaareedkan u cayaartay sidoo kalena ay awood ku maquuniyeen inta badan kooxaha ay xifaaltamaan.
“Bilawgii xili cayaareedkan kubad cajiib badan ayaan cayaarnay weliba Cesc Fabregas kubada qurxoon ayuu dhiibay”
“Qaybtii labaad ee xili cayaareedkan kubadeena isbadal ayaan ku sameenay si aan natiijo u gaarno haatana hadafkeena si awood ku dheehan ayaan ku gaarnay”