Home » Maxaa Cusub » Jordan Henderson Oo Ku Booriyay Raheem Sterling Inuu Heshiis Cusub Liverpool U Saxiixo

Jordan Henderson Oo Ku Booriyay Raheem Sterling Inuu Heshiis Cusub Liverpool U Saxiixo


Henderson and Sterling

Kadib markii Jordan Henderson uu mustaqbalkiisa garoonka Anfield meel u dhacay sidoo kalena uu heshiis waqtigiisa dheer yahay Liverpool u saxiixay.

Xidigan ayaa ku booriyay laacibka ay saaxiibada yihiin Raheem Sterling inuu isagana heshiis cusub qalinka ku duugo sidoo kalena uu soo afjaro muranka uu ku haayo gudaha Anfield.

“Sanado fiican ayaan Raheem isla soo qaadanay sidoo kalena waa laacib aad u wanaagsan waxaa intaas sii dheer inaan nahay saaxiibo qaali ah”

“Waa run waxa u wanaagsan isaga ayaa go’aan ka gaari karo balse talada aan siinayo waxay tahay inuu Anfield sii joogo”

“Dabcan waxaan ku hayaa naadigan waa Liverpool waana halka ugu wanaagsan ee aad kubada cagta meel wanaagsan kaga gaari kartid”

Henderson oo la hadlaayay ESPN ayaa sheegay in Sterling arinkiis ay xal ka gaari karaan maamulka Liverpool iyo xidigan oo uu u arko inuu muhiim u yahay hormarka Liverpool hiigsaneyso mustaqbalka dheer.

“Waxaan rajeynaa inuu sanado badan nala sii joogo sidoo kalena uu nala qaybsado hadafka inoo dagan waxaana tusaale ugu filan in Daniel Sturridge iyo Philippe Coutinho iyagana ay dhawaan go’aansadeen inay kooxda mudo dheer lasii joogaan”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>