Home » Horyaalada » La Liga Spain » Jordi Alba Oo Laga Saaray Xulka Qaranka Spain Dibna Ugu Laabanaya Kooxdiisa Barcelona

Jordi Alba Oo Laga Saaray Xulka Qaranka Spain Dibna Ugu Laabanaya Kooxdiisa Barcelona


Alba

Macalinka xulka qaranka Spain Vincent Del Bosque ayaa xaqiijiyay in Jordi Alba uu ku laabtay kooxdiisa Barcelona kadib dhaawac dhanka muruqa ah oo lasoo darsay.

Xidigii hore Valencia ayaa laga saaray kulankii ay xulkiisa 1-0 ku garaaceen Ukraine xalayto kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016, daqiiqadii 78-aad ayaana laga saaray iyadoo lagu badalay Juan Bernat.

Del Bosque ayaa xaqiijiyay in Jordi Alba uusan qeyb ka noqon Karin kulanka saaxiibtinimo oo ay isbuucaan la yeelan doonaan xulka Holland.

Del Bosque ayaa saxaafada u sheegay in xidigaan uu dib ugu laabanayo Barcelona si dhaqaatiirta kooxdiisa ay ula tacaalaan xaaladiisa caafimaad.

Sidoo kale Del Bosque ayaa amaanay wiilashiisa kadib guushii ay ka heleen Ukraine, isagoo si gaar ah u amaanay daafaca midig ee Atletico Madrid Juanfran kaas oo si fiican u ciyaaray.

Ugu dambeyntii Spain ayaa guul 1-0 ah gaaray waxeyna goolkaas kaga mahad celinayaan da’yarka Juventus Alvaro Morata.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>