Home » Horyaalada » italian Serie A » Jose Callejon Oo Rafael Benitez Kaga Mahad Celiyay Wicitaankii Looga Wacay Xulka Spain

Jose Callejon Oo Rafael Benitez Kaga Mahad Celiyay Wicitaankii Looga Wacay Xulka Spain


Callejon

Da’yarka reer Spain iyo kooxda Napoli Jose Callejon ayaa aaminsan in u ciyaaridiisa sida joogtada ah ee kooxdiisa Napoli ay sababtay in looga waco xulka qaranka Spain markii ugu horeysay.

Xidigaan garabka ka weerar gala ayaa haya hogaanka gooldhalinta horyaalka talyaaniga isagoo leh 8-gool, balse wuxuu xiligaan casuumaad ka helay tababare Vincent Del Bosque oo ku daray liiska xidigaha xulka Spain ee isbucyada soo aadan ciyaari doona kulamo heer qaran ah.

Si Kastaba Callejon wuxuu kaga mahad celinayaa casuumaadaan macalinkiisa Rafael Benitez kaas oo siiyay kalsoonida uu safka hore kaga jiro kooxdiisa Napoli.

27-jirkaan ayaa sameeyay hormar baahsan tan iyo markii uu kooxda Real Madrid kaga soo biiray xili ciyaareedkii 2013.

“Tan iyo markaan imid Napoli waxaan helay fursad aan ku ciyaaro kuna muujiyo awoodeyda waxaana ka helay qibrad saa’id ah waana ku qaangaaray italy” Ayuu xidigaan u sheegay AS.

“Taas ayaana ii ogolaatay inaan dhaliyo goolal isla markaana aan nafsadeyda ku kalsoonaado”

“Wicitaankaan waxaan kaga mahad celinayaa Rafael Benitez, “waxaana igu qasab ah inaan mahad balaaran u jeediyo madama uu qeyb ka qaatay hormarkeyga”

Ugu dambeyntii Callejon ayaa haatan u muuqda mid kasoo hilaaacay horyaalka Serie A-da, wuxuuna ku jiraa qaab ciyaaredkiisii ugu fiicnaa ebid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>