Jose Mourinho oo maamula Chelsea ayaa ku guuleystay abaalmarinta macalinka sanadka horyaalka Ingiiriiska isagoo abaalmarintaan ku garaacay Nigel Pearson, Arsene Wenger, Ronald Koeman iyo Garry Monk, halka sidoo kalana Eden Hazard loo doortay xidigii ugu wanaagsanaa horyaalka Ingiriiska.
Blues ayaa ku guuleysatay horyaalkeedii afaraad tan iyo markii magaca Premier League-ga la bixiyay sanadii 1992-dii, iyadoo ay xusid mudan tahay in sadex ka mid ah uu u qaaday Jose Mourinho kaas oo laba jeer oo is xigtay u qaaday sanadihii 2004 ilaa 2006.
Si kastaba Hazard oo dhaliyay 14-gool, sidoo kalana caawiiyay sideed gool xagaagan ayaa ku guuleysanaya abaalmarintii sadexaad madama uu horay ugu soo guuleystay abaalmarinta taageerayaasha (PFA) iyo mida qorayaasha horyaalka Ingiriiska (FWA).
Si kastaba labadaan shaqsi ee Chelsea ka tirsan ayaa isku darsaday taasoo cadeyneysa in kooxda Blues ay tahay koox u qalanta halka ay taagan tahay.
Ugu dambeyntiina Hazard wuxuu abaalmarintaan ku garaacay Terry, Matic, Fabregas, De Gea, Kane, Aguero iyo Alexis Sanchez oo dhamaantood ahaa musharaxiinta abaalmarintaan.