Ka hor kulanka London Derby macalin Jose Mourinho ayaa dagaal dhanka maskaxda ah ku qaaday naadiga Arsenal.
Madaama uu macalinkan sheegay in bilawgii xili cayaareedkan uu Cesc Fabregas heestay labo fursad oo ahayd inuu kala doorto Chelsea iyo Arsenal wuxuuna xidiagn doortay Chelsea taasi oo uu siweyn ugu faa’iiday.
Hadaba Mourinho oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Waa run Fabregas wuxuu heestay fursad uu dib ugu laaban karay Arsenal”
“Balse Chelsea ayuu doortay sababtana waxay tahay inuu doonayay hanashada koobab badan waayo Blues waa naadi koob halka Arsenal aysan ku heer ahayn Chelsea!”
“Ma aqaan sababta uu Arsenal ku diiday balse waxaan aqaan sababta uu Chelsea ku doortay taasi oo ahayd inaan u balan qaadany inuu kooba nagula guuleesan karo”
“Sidoo kalena maqaan sababtii uu markii hore Arsenal kaga tagay ama uu macalinkiisii hore u fasaxay balse waxaan ogahay in mashruuc walbo laga rabo inuu noqdo mid miro dhal ah”
“Sidaa darted Chelsea wuxuu ku doortay qaab cayaareedkiisa oo ku haboon iyo in ay tahay naadi sanad walbo koobab ku guuleesan karto”