Macalinka kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa ka dhawaajiyay in goolhay Petr Cech yahay xidig muhiim ah kooxdiisa sidoo kalena aysan si sahlan ku fasixi doonin.
Inkastoo Cech xili cayaareedkan booska kowaad laga xirtay hadana Mourinho ayaa sheegay in goolhayahan qiimahiisa hoos u dhicin sidoo kalena aysan Chelsea marnaba ku fasixi doonin qiimo jaban.
“Hadii uu doonayo inuu Petr baxo anigana waa inan fikirkeyga u sheegaa taasi oo ah inuu ka mid yahay sedexda goolhaye ee aduunka ugu wanaagsan”
“Dabcan hadalkeyga waxaan ula jeedaa kooxdii dooneyso waa inay lacago badan kusoo tala gashaa waayo Petr ma ahan xidig qiimahiisa hoos u dhacaayo xitaa hadii uusan todobaad walbo cayaarin”
10-sano ee ugu dambeesay kooxda Chelsea waxaa goolhaye kowaad u ahaa Petr Cech balse xili cayaareedkan waxaa booska kala baxay wiilka dhalinta yar Thibaut Courtois kaasi oo amaah kaga soo laabtay naadiga Atletico Madrid bilawgii xili cayaareedkan.
Inkastoo Cech uu dabcay inuu baxo hadana waxaa ka hor istaagay midaas Jose Mourino oo welina goolhayahan ku qal qaalinaayo inuu Stamford Bridge baaqi kusii ahaado.