Tababaraha kooxda Blues Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuu laba jeer iska diiday dalabyo kaga yimid kooxda Paris Saint Germain ee dalka Faransiiska.
Macalinkaan reer Portugal ayaa kasoo tagay xagaagii hore kooxda Real Madrid isagoo dib ula midoobay kooxdiisii hore Chelsea, wuxuuna 51-jirkaan shaaca ka qaaday iney lacago badan usoo bandhigeen PSG, inkasstoo uu ka doortay inuu dib ugu soo laabto galbeedka Magaalada London.
“Waxey aheyd markii iigu horeysay oo aan dalab ka helo Paris Saint Germain si qaas ahna Leanardo, balse markaas waan inkiray laba jeer” Ayuu yiri Jose Mourinho oo gocday maalmahaas.
Ugu dambeyntii Jose Mourinho ayaa xili ciyaareedkaan kooxdiisa u hogaamiyay iney si wacan ku bilowdo EPL-ka, walina guuldaro lama kulmin 7-kulan oo uu ciyaaray horyaalka.