Macalin Jose Mourinho ayaa meesha ka saaray inuu qorshihiisa yahay sidii uu usoo qaban lahaa Sir Alex Ferguson oo Man United u qaaday 13-jeer Premiership-ka England.
Special One ninka la baxay markii sedexaad ayuu Chelsea u qaaday Premiership-ka England balse wuxuu iska diiday inuu niyada k haayo sidii uu heerka Sir Alex u gaari lahaa.
Wuxuuna yiri “Waa run waqti dheer ayaan kubada cagta kusii jiri karaa bals qorshaheyga ma ahan inaaan iskoorka Sir Alex gaaro”
“Mana ahan wax la gaari karo waa hadaf aan la xaqiijin karin gaaristiisa weliba Premier League suurta gal ma ahan inaan 13-jeer ku guuleesto”
“Laakiin waan ku guuleesan karaa 13-horyaal waayo hadaba 8-jeer ayaan ku guuleestay waana horyaalo kala duwan hadii aan horyaalo kala ka shaqo galo waan qaadi karaa laakiin Premiership-ka 13-horyaal kaligiis lama qaadi karo”
Dhanka kale macalin Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxdiisa aysan marnaba is dhigin doonin sidoo kalena xili cayaareedka dambe diyaar yihiin inay koob walbo u tartamaan.