Home » Maxaa Cusub » Jose Mourinho “Masii Socon Doono Iskoorka Guuldaro La’aanta Chelsea!”

Jose Mourinho “Masii Socon Doono Iskoorka Guuldaro La’aanta Chelsea!”


Mourinho

Macalin Jose Mourinho iyo kooxdiisa Chelsea waxaa u suura gashay inay garoonka Anfield guul muhiim ah kusoo gaaraan haatana Chelsea 11-kulan oo ay cayaartay Premiership-ka England dhinaceeda dhulka lama dhigin.

Balse Mourinho ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa iskoorkan ay sii wadi karto wuxuuna yiri “Waa macquul inaan horyaalka ku guuleesano balse suurta gal ma ahan horyaalka England inaan ku dhameesano anagoo dhinaceena dhulkla dhigin xili cayaareedkan”

“Dabcan hadii aan horyaalada Jarmalka iyo Spain joogno si fudud ayaan ku qaadi laheyn waayo labadaas horyaal kaliya labo naadi ayuu ka dhaxeeyaa”

“Balse halkaan waa EPL dhamaan kooxaha ku tartamayaan waa isku awood sidaa darteed masii socon doono iskoorka guuldaro la’aanta Chelsea”

Jose Mourinho iyo kooxdiisa Chelsea ayaa la wada aaminsan yahay inay sanadkan jebin karaan iskoorka guuldaro la’aanta Premiership-ka kaasi oo ay Arsenal sameesay 10-sano ka hor.

Sidoo kalena Chelsea dhamaan kooxaha awooda badan sida Arsenal, Man United, Man City iyo Liverpool wey lasoo cayaartay hadaba iskoorka Mourinho yaa jebin karo sanadkan!

One Response to Jose Mourinho “Masii Socon Doono Iskoorka Guuldaro La’aanta Chelsea!”

  1. hamza Reply

    November 8, 2014 at 8:53 pm

    wooow hiilkubad waad ka baxsateen si fiiican baan ugu xidhanahay hoygiiina

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>