Home » Maxaa Cusub » Jose Mourinho Oo Aaminsan In Man United Aysan Kooxdiisa Chelsea Kula Tartami Karin Hanashada EPL-ka

Jose Mourinho Oo Aaminsan In Man United Aysan Kooxdiisa Chelsea Kula Tartami Karin Hanashada EPL-ka


Jose

Macalin Jose Mourinho ayaa isku kalsoon xili cayaareedkan madaama kooxdiisa Cheslea marnaba dhinaceeda dhulka la dhigin sidoo kalena ay hogaanka EPL dhibco badan kag heyso kooxaha la aaminsan yahay inay Chelsea kula tartami karaan hadana EPL.

Wuxuuna macalinkan waaya araga ah ka dhawaajiyay in xili cayaareedka weli uusan dhamaan sidoo kalena ay wax badan isbadali karaan.

“Waa run Chelse ayaa ah kooxda ugu cad cad ee hanan karto horyaalka balse midaas kama dhigno in xili cayaareedkan uu dhamaaday waayo November ayaan joognaa waxaana horyaalka la qaadaa May”

“Waxaan ka faa’iideesan dhamaan kulamadii aan xili cayaareedkan cayaarnay inkastoo kulamo adag aan kaso gudubnay waayo Man United, Man City iyo Liverpool garoonkooda ayaan kula cayaarnay sidoo kalena nasiib wanaag wax guuldaro ah nagama soo gaarin garoomadaas”

“Dhamaan kooxaha haatan xaalka ku xun yahay sida Liverpool, Arsenal iyo Man City wey soo kaban karaan sidoo kalena halis ayay nagu noqon karaan qaybta dambe ee xili cayaareedkan”

“Balse ilama ahan inaan halis badan Man United kala kulmi karno waayo kooxdan xaalad dib u dhis ah ayay ku jirtaa balse bisha Janaayo hadii ay saxiixyo wanaagsan sameyso dabcan horyaalka wey nagula tartami kartaa!”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>