Home » Maxaa Cusub » Jose Mourinho Oo Aan Ka Walwalsanen Heshiis Kordhin La’aanta Lampard, Terry Iyo Cole

Jose Mourinho Oo Aan Ka Walwalsanen Heshiis Kordhin La’aanta Lampard, Terry Iyo Cole

lampard-celebrates-goal-w-mata-and-hazard

Macalin Jose Mourinho ayaa saxaafada u sheegay inuusan ka walaacsaneyn aamusnaanta maamulka sare ee kooxdiisa Chelsea madaama ay maamulka kooxdan ka gaabinayaan inay heshiis cusub ka saxiixaan Frank Lampard, Ashley Cole iyo kab John Terry madaama dhamaantood qandaraaska ay garoonka Stamford Bridge ku egyahay dhamaadka xili cayaareedkan hadaba Mourinho arinkan muxuu ka yiri “ma ahan xaalad i walaaac galisay sidoo kalena maamulka iyo xidigahaan iyagana ma walaacsano waxaana rajeynaa in goor dhow qandaraas laga saxiixi doono Franck, Ashley iyo John madaama ay muhiim u yihiin kooxda dhalinta yar ee aan macalinka u ahay waayo aragnimadooda ayaa garoonka Stamford Bridge looga baahan yahay”

Mourinho ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in dhamaan sedexdaas xidig ay ku dhawaadeen inay Chelsea isaga tagaan balse haatan aysan suura gal ahayn madaama ay ku qanacsan yihiin inay Chelsea baaqi kusii ahaadaan wuxuuna yiri “dhamaan xidigahaan mustaqbalkooda cayaareed waxay u hureen Chelsea sidaa darteed waxaa la joogaa xiligii aan u abaal gudi laheen sidoo kalena loo sameyn lahaa waxa ay jecel yihiin taasi oo ah inay cayaaraha ku qatimaan garoonka Stamford Bridge” ugu dambeyntii Mourinho ayaa meesha ka saaray inuu bisha Janaayo cayaartooy soo iibsan doono wuxuuna sheegay inuu heesto xidigo ku filan kuwaas oo ka caawin karaan inay guulo ka keenaan Premiership-ka iyo koobka horyaalada Yurub.


Waxaa Aqrisay: (124)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>