Tababaraha kooxda Chelsea ayaa dib u weeray daafaca xulka Spain Sergio Ramos kaas oo aragti ka dhiibtay arinta muranka ka dhex dhalisay Del Bosque iyo Mourinho kuna saabsan caafimaadka wiilasha reer Spain Fabregas iyo Costa.
Labadaan xidig ayaa laga saaray xulka Spain ee isbuucyadii lasoo dhaafay ciyaaray kulamada qaran, balse isbuucaan waxey diyaar u noqdeen kulankii ay kooxdooda 2-0 ku dhaafeen West Brom.
Daafaca Real Madrid ayaa laga soo xigtay isagoo leh: “Waa in ciyaartoyda ay muujiyaan go’aan weyn oo ay ku matalaan qarankooda” inkastoo Ramos uu markii dambe qirtay inuusan ciyaatoyda kala jeedin hadalkaas.
Jose Mourinho ayaa difaacay go’aankii u xidigahaas kaga reebay xulka Spain isagoo qiray in dhaqtarka Spain ay la socdeen xaalada ciyaartoydaan.
“Tan iyo markaan aqaanay Ramos wuxuu ahaa ciyaariyahan cajiib ah, balse maahan dhaqtar, maahan dhaqtar anigana lamid baan ahay, shaqadeyda ayaan sida ugu wanaagsan u qabtaa, balse maahi dhaqtar” ayuu ugu waramay Mirror.
Sidoo kale Jose Mourinho ayaa tusaale usoo qaatay dhaawaca Kompany uu ku waayay kulankii Belgium iyo wales isla markaana uu sabtigii ugu saftay Man City.
“Kompany ma uusan ciyaarin kulankii Belgium iyo Wales, balse wuu ciyaaray [Sabtidii] Miyuu ka tanaasulay qarankiisa? waxaan filayaa iney sidaas tahay, waana kabtanka xulka Belgium-ka.
“Waan aaminsanahay 100% dhaqtarkeyga, hadii Del Bosque uusan aaminsaneen dhaqtarkiisa waa dhibaato, dhibaato iguma ahan, waan la hadlay dhaqtarka waana aaminsanahay wax walba oo ii sheego. wax kale ma jiraan. dhib ma lahan” ayuu mar kale Jose ku weeraray Del Bosque.
Ugu dambeyntii Jose Mourinho ayaa ku qanciyay Del Bosque iyo Ramos in ciyaartoydaan Chelsea ka tirsan ay yahiin kuwo xaaladooda lala socdo mar walba.