Inkastoo saxaafada caalamka ay hadal heyso in kooxda Chelsea ay dabagal xoogan ku heyso weeraryahanka naadiga Atletico Madrid Antoine Griezmann.
Hadana macalin Jose Mourinho ayaa warkaan biyo qaboow ku shubay wuxuuna sheegay in Blues aysan marnaba ku fikirin saxiixa Antoine Griezmann.
24-jirkan qandaraaskiisa waxaa lagu jebin karaa £47.1million balse Mourinho ayaa sheegay in liiska uusanba ugu jirin.
Mourinho oo la hadlaayay wargeska Marca wuxuu yiri “Griezmann waa cayaaryahan aad u wanaagsan balse qorshaheena xagaagan kama mid ahan”
“Hadafka Chelsea ma ahan mid saxaafada lala wadaagay waayo kooxdeyda awood ahaan wey dheeli tiran tahay waxaana lasoo saxiixan doonaa xidigaha aan muhiim u aragno”
Griezmann bilawgii xili cayaareedkan ayuu kooxda Atletico Madrid kaga soo biiray naadiga Real Sociedad wuxuuna xili cayaareedkan kooxdiisa cusub u dhaliyay 25-gool asigoo u saftay 44-kulan dhamaan tartamada kala duwan.
Sidoo kale weeraryahankan dhalinta yar waxaa lala xariirinaa naadiga Bayern Munich oo dooneyso inay booska Franck Ribery galiso madaama Ribery dhaawacyo la hareen da’diisana horey u badatay.