Home » Europe » Champions League » Jose Mourinho Oo Bilaabay Ciyaar Maskaxedkiisa: “PSG Waa Kooxda Ugu Dagaal Badan”

Jose Mourinho Oo Bilaabay Ciyaar Maskaxedkiisa: “PSG Waa Kooxda Ugu Dagaal Badan”


Blank

Macalinka kooxda Chelsea ayaa indhahaa garsoorayaasha kusoo jeedinaya kooxda Paris Sainta Germain kadib markii uu qiray iney tahay kooxda ugu qaladaadka badan marka lagu jiro garoonka.

PSG ayaa marti ku ahaan doonta caawa Stamford Bridge lugta labaad wareega 16-ka tartanka horyaalada yurub, wuxuuna ku tilmaamay iney yahiin koox ka xun kooxaha heerka labaad ka ciyaara.

Kooxahaan ayaa ku kulmay PARIS sadex isbuuc ka hor iyagoo markaas barbaro ku kala baxay Ivanovic iyo  Cavani ayaana labada gool kala saxiixay.

Mourinhao oo ka hadlayay qaladaadka ay Eden Hazard u geysteen PSG kuwaas oo gaaraya 9-qalad hal kulan, “Wa layaab – kooxda heysata ciyaartoyda ugu fiican waa kooxda lagu galo qaladaadka ugu badan”

“Waa koox sameyneysa qaladba qalad, waana koox qalad ku istaajisa Hazard mar walba”

“Xitaa xidig sida Zlatan Ibrahimovic marka ay kubada lumiyaan wuxuu gadaal kaga yimaadaa Hazard si uu qalad ugu galo”

Sidoo kale Mourinaho ayaa qiray in kubada foosha xun oo ay ciyaaran PSG aysan xitaa la ciyaarin kooxda Shrewsbury oo ka mid ah kooxaha heerarka hoose ingiriiska.

Dhanka kale Mourinho ayaa layaab u arka in koox leh tayada weyn heysatana ciyaartoy fiican ay ciyaaraan kubada foolxumada badan, wuxuuna u sheegay inuu ka rajeynayo iney kubad fiican soo bandhigaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>