Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa ka dhawaajiyay inuu sii wadi doono waayahiisa tababaranimo ee horyaalka Ingiriiska marka uu dhamaado heshiiska uu kula jiro kooxda Blues.
Macalinkaan reer Portugal ayaa Blues gacanta u galiyay horyaalkeedii afaraad, iyadoo qudhiisa ay u tahay koobkii Sadexaad oo uu kooxdan u qaadayo horyaalka.
Mourinho wuxuu doonayaa inuu waqti dheer joogo kooxda, balse wuxuu shaaciyay in hadii Roman Abramovic uu go’aansado inuu shaqada ka eryo mar labaad uu leylin doono koox ka dhisan Ingiriiska.
“Maalinta uu ku fakaro Abramovic inaan ahay shaqsi aan ku filneyn Chelsea, koox walba ayaa ii imaan karta, iina soo gudbin karta dalab cajiib”
Macalinkaan guulaha badan wuxuu aad u jecel yahay inuu kusii nagaado Stamford Bridge balse ma diidi doono hadii uu dalab ka helo koox EPL-ka ka dhisan marka uu dhamaado waayahiisa Blues.
Sanadii 2013 ayuu ku dhawaaday inuu maamulo Man United markii Sir Alex Ferguson uu isaga fariistay kubada cagta balse David Moyes ayaa buuxiyay.
Ugu dambeyntii Blues waxey berito oo axad ah Stamford Bridge kusoo dhaweyn doonta Sunderland halkaas oo lagu gudoonsiin doono koobka Horyaalka.