Super Star Xavi Hernandez kooxdiisa Barcelona macsalaameyn heer sare ah ayay siisay sidoo kalena xiidgan si maqaam sare ah ayuu garoonka Camp Nou xagaagan kaga hayaami doonaa.
Hadaba si lama filaan ah Xavi wuxuu amaan ka helay macalin Jose Mourinho oo ka dhawaajiyay inuu xidigan u qalmay in la siiyo abaal marinta Ballon d’Or.
“Xavi 10-sano ee ugu dambeesay wuxuu ka mid ahaa xidigaha aduunka ugu wanaagsanaa sidoo kalena wuxuu u qalmay in dadaalkiisa Ballon d’Or lagu gudoonsiyo”
“Ma ahan cadaalad hadii xidig Xavi oo kale ah aan la siinin abaal marinta ugu sareyso ee cayaaryahan dadaalkiisa lagu sharfo”
Dhanka kale Jose Mourinho ayaa ka hadlay fursada ay labada naadi Barcelona iyo Juventus u heestaan hanashada koobka horyaalada Yurub madaama ay labadan koox isugu soo hareen.
Wuxuuna yiri “Barcelona iyo Juventus labaduba wey u qalmaan inay Berlin Finalaha Champion-ka ku cayaaraan”
“Xili cayaareedkan wanaagsan ayay ku jiraan sidoo kalena waxay muujiyeen inay ka awood badan yihiin kooxihii ay Semi Finalaha kusoo arkeen”