Macalinka naadiga Chelsea Jose Mourinho shirkiisa jaraa’id arimo badan ayuu kaga hadla balse labo arimood ayaa noqdeen kuwa ugu hadal heynta badan ee uu macalinkan si gaar ah uga hadlay.
Jose Mourinho ayaa ka fikir dhiibtay daraarsad cusub oo ay soo saartay Kick It Out laguna sheegay in Chelsea ay xili cayaareedkan noqotay naadiga ugu badan ee aflagaado loogu geestay goobaha ay bulsho weynta aduunka ku sheekeestaan.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in 134,400 oo qoraal lasoo dhigay Facebook, Twitter ama Instagram lagu caayay kooxda Chelsea weliba 28% aflagaadadaas waa mid mid kala sooc ku saleesan halka 26% ay ku saleesan tahay jinsi.
Sidaa darteed Mourinho oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Waxaan u maleynayaa inaan noqonay koox aan laga helin waayo tan iyo markii uu horyaalka bilaawday ayaan kaalinta kowaad ku jirnaa wana arin aysan jecleyn dadka dalkan ku nool”
“Qof walbo wuxuu jecel yahay in Premier League oo noqdo sida horyaalka heerka labaad ee 4-naadi ee ugu sareeyo ay labo dhibcood u dhaxeyso”
“Waan ogahay in midaas ay horyaalka xiiso u yeeli karto balse midaas ma dhici doonto waayo Chelsea ayaa ah naadi aan la gaari karin sanadkan!”
Dhanka kale Mourinho ayaa ka hadlay mustaqabalka macalin Jurgen Klopp oo maalin dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu dhamaadka xili cayaareedkan Dortmund isaga tagi doono.
Wuxuuna Mourninho ka yiri arinkan “Waxa kaliya aan ogahay ayaa ah in Klopp uusan Chelsea imaan doonin xagaagan waayo si shaqsiyan ayuu midaas iigu sheegay!!”