Home » Maxaa Cusub » Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Qorshaha Chelsea Bisha Janaayo Suuqa Yurub Ku Gali Doonto

Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Qorshaha Chelsea Bisha Janaayo Suuqa Yurub Ku Gali Doonto


JM

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa ka hadlay qorshaha kooxdiisa u dagsan bisha Janaayo madaama suuqa Yurub xiligaas dib loo furi doono.

Macalin Mourinho ayaa isku kalsoon wuxuuna ka dhawaajiyay in bisha Janaayo kooxdiisa lacago badan suuqa ku qarash gareyn doonin balse ay sameyn doonaan saxiix muhiim ah.

“Janaayo waxaa ka harsan November iyo December sidaa darteed qorshaheyga wuxuu ku saleesnaan doonaan labada bilood ee nagu soo fool leh hadii ay dareemo in kooxdeyda ay u baahan tahay in dib loo xoojiyo”

Chelsea haatan waxaa dhaawac ka ah Diego Costa sidoo kalena Loic Remy iyo Didier Drogba uma suura galin inay weli Blues la qabsadaan sidaa darteed Jose waxaa la weydiiyay in kooxdiisa weeraryahan dheeraad ah lasoo saxiixan doonto.

“Suuqa yurub wuxuu u furan yahay koox walbo oo dhibaato qabto balse waxaan rajeynaa inaan Janaayo suuqaku mashquuli doonin madaama aan heesto xidigo ugu filan inkastoo wax walbo ay isbadali karaan labada bilood ee ka harsan bisha Janaayo”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>